Wakiilka IGAD Ee Soomaaliya Oo Tegay Muqdisho Lana Kulmay Madaxweyne Xasan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wakiilka IGAD Ee Soomaaliya Oo Tegay Muqdisho Lana Kulmay Madaxweyne Xasan

Muqdisho, Mareeg.com: Ergayga gaarka ah ee Urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa manta gaaray caasimadda Soomaaliya Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey ku qaabilay xafiiskiisa.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu ka mahadceliyay taageerada IGAD ay u fidisay Soomaaliya xilliyadii adkaa ee uu soo maray dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Maxamed Cabdi Afey uu la imaan doono fikrad wanaagsan oo lagu sii hormarin karo ka soo kabashada dagaallada iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarka dalka.

Maxamed Cabfi Afey oo maanta markii ugu horreysay tagay Muqdisho tan iyo markii bishii December ee sanadkii hore loo magacaabay xilka ayaa sheegay in IGAD ay sii wadi doonto taageerada hadafka dowladda, si loo xaqiijiyo nabad, degenaasho iyo horumar ka dhasha Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey ayaa horey u noqday safiirka dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna xilkaas hayey waqtigii la dhisayey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!