Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Muqdisho Ee Lala Eegtay Rayid Aan Waxba Galabsan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Muqdisho Ee Lala Eegtay Rayid Aan Waxba Galabsan

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee shalay ka dhacay Muqdisho kaas oo lagu dilay in ka badan 20 qof oo rayid ah.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel dhowr mitir u jirta illinka laga galo dekedda, halkaas oo sida caadiga ah ay isugu yimaadaan dad rayid ah.

“Weerar ulakac ah oo ka dhan ah dad rayid ah oo noloshooda eryanayay kaliya ma aha fal wuxuushnimo ah balse wuxuu caddaynayaa tixgelin la’aanta Al-Shabaab ee nolosha bini’aadanka.

“Falalka ay Al-Shabaab ku kacayso sida curyaaminta iyo jarista nolosha muwaadiniin rayid ah iyo ka hor istaagga xaqa ay u leeyihiin inay noloshooda u maareeyaan si xor ah, nabdoon oo ay kalsooni ku jirto, Al-Shabaab waxay si quus leh ugu dadaalaysaa inay muuqato ka dib markii AMISOM iyo ciidamada amniga qaranka Soomaaliya ay si wayn uga hor tageen inay ka dhabayso go’aankeedii ahaa inay carqaladayso doorashooyinka oo haatan gabagabo ku dhow,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Danjire Madeira wuxuu tacsi u diray qoysaska murugaysan wuxuuna kuwa ku dhaawacmay weerarka u rajeeyay raysasho degdeg ah.

Wuxuu ku baaqay feejignaan isagoo u jeediyay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si ay u aqoonsadaan, u kashifaan una joojiyaan canaasiirta sharta, maadaama ay isticmaalayaan wadiiqo kasta oo ay awoodaan si ay u sii wadaan curyaaminta, argagax galinta, dilka iyo sumcad ridista iyo carqaladaynta marxaladaha harsan ee hannaanka doorashada oo ka dhigan dhacdo horumar taariikhi ah ee dadaallada dib u heshiisiinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!