Wajiga labaad shirka beelaha Jubooyinka oo laga qabanqaabinayo Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wajiga labaad shirka beelaha Jubooyinka oo laga qabanqaabinayo Kismaayo

Kismaayo – Mareeg.com: Qabanqaabada wejiga labaad ee shirka dib-u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xarunta madaxtooyada Kismaayo, waxaa siweyn looga dareemaya dhaqdhaqaaqa ka soconaya, waxaana xarunta gaaraya madax-dhaqameedyada iyo ergooyinka ka qeyb-galaya shirka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah madaxa guddiga qabanqaabada shirka dib-u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ayaa sheegay in bartamaha bishan la filayo in la qabto wejiga labaad ee shirka dib-u heshiisiinta.

Cabdullaahi ayaa intaas raaciyay inay doonayaan isku keenidda dhammaan madax-dhaqameedyada beelaha wada dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wejiga koowaad ee shirka dib-u heshisiinta beelaha Jubbooyinka ayaa horraantii November ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wajiga 2-aad ee shirka beelaha Jubooyinka ayaa markaan dhacaya kadib markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo is afgarteen, iyadoo markii uu socday wajigii 1-aad ee shirkaas aysan dowladdu aqoonsaneyn.

Wajigii koowaad ee shirka beelaha Jubooyinka oo Axmed Madoobe lagu doortay ayaaa sababay colaad ka dhacday Kismaayo, taasoo magaalada looga saaray rag hubeysnaa oo uu ka mid yahay Barre Hiiraale oo weli degan meel ka baxsan Kismaasyo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!