Wafdi horudhac ah oo ka socda Jaamacadda Carabta oo booqanaya Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi horudhac ah oo ka socda Jaamacadda Carabta oo booqanaya Muqdisho

Mareeg.com: Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Kuweyt, waxana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga C/raxmaan Ducaale Beyle, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda dalka iyo sidii Jaamacadda Carabta ay gacan uga geeysan laheeyd dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Wafdigan ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay wafdi sare oo ka tirsan Jaamacadda Carabta oo la filayo ineey dhawaan soo gaaraan Muqdisho.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga maanta oo horudhac u yahay wafdi ballaaran oo ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeen, ahna wasiirka Arrimaha debadda Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-axmed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.