Wafdi Ka Soacda Qaramada Midoobay Oo Tegay Kismaayo

Kismaayo, Mareeg.com: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo xiriiriyaha gargaarka beni’aadanimo Philippe Lazzarini, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose.

Philippe Lazzarini iyo xubnaha la socda ayaa doonaya iney wax ka ogaadaan xaaladda banii’aaadanimo ka jirta Jubooyinka gaar ahaan magaalada Ksimaayo oo gacanta ciidamada maamulka KMG ah ee Juba iyo ciidamada Amisom.

Wafdiga waxa ay kulamo la qaateen xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada halkaasi ku dhaqan, kaasi oo looga hadlayay suurta galnimada sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari dalka Kenya dib loogu soo celin lahaa deegaannada maamaamulkaasi uu ka arrimiyo iyo deegaanno kale.

Philippe Lazzarini, oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qeybta ugu horeysa dadka la soo celinayo la dejin doono degmooyinka Dhoobleey, Kismaayo oo ka wada tirsan gobolka Jubada hoose iyo degmada Luuq gobolka Gedo ka tirsan.

Wafdi uu hogaaminayo Philippe Lazzarini ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Jowahr ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna indhihiisa ku arkay sida fataahaddu u saameysay dadka ku nool Jowhar.

Mareeg.com