Muqdisho – (Mareeg.com): Dufcadii 2-aad ee horudhaca u ah booqashada madaxweynaha Soomaaliya ku tegayo Kismaayo ayaa manta gaaray magaaladaas, iyadoo la filayo in wixii ka dambeeya duhurka waqtiga Bariga Afrika madaxweynuhu ka dego Kismaayo.
Wafdi Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, kuwaasoo horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu goor dhow ka dego Kismaayo.
Shalay galab ayaa saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) waxey gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Safarka taliyaha ayaa ujeeddadiis lagu sheegay sidii ay saraakiisha ammaanka u xaqiijin lahayeen ammaanka magaalada, ka hor safar la filayo in maanta ku tago madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaban qaabo iyo diyaar garow xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ay ka socoto, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Ciidamo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, Ciidamada AMISOM ee socda Uganda ayaa goor sii horeysay gaaray magaalada Kismaayo, si ay u xaqiijiyaan ammaanka wafdiga Madaxweynaha.
Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa diyaar garow ballaaran u galay soo dhoweynta Madaxweynaha, iyadoo laga yaabo in loo rido 21-madfac, si maamulka KMG uu qorshihiisa yahay marka uu tago.
Wadooyinka ayaa lagu xardhay sawirka Madaxweynaha iyo calanka Soomaaliya, ciidamo fara badan ayaa la dhigay wado kasta, ilaa xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Kenya oo kuwo ka socda dalka dhaca galbeedka Afrika ee Sierra Leone, waxaana magaaladaas horay uga dhacay dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad dowladda Soomaaliya taageersan iyo kuwa taabcsan Axmed Madoobe.
Mareeg.com