Wafdi Xukuumada Soomaaliya u dirtay Galgaduud oo Ahllusuna kala hadlaya qorshe dagaal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Xukuumada Soomaaliya u dirtay Galgaduud oo Ahllusuna kala hadlaya qorshe dagaal

Dhuusamareeb – Mareeg.com: Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa bilaabay kulamo ay leeyihiin maamulka gobolka, iyo saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre, ayna ka mid yihiin wasiirka Amniga C/kariim Xuseen Guuleed, wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, wasiirka warfaafinta Mustaf Cali Dhuxulow iyo taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. Indhaqarshe ayaa Dhuusamareeb u tegay sidii looga wada hadli lahaa mideynta qorshaha howlgalka milateri ee laga sameynayo gobolka Galgagaduud.

Waxaa sidoo kale, Dhuusamareeb ku sugan safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Ahllusuna Waljamaaca ayaa xalay laba jeer kulmay, waxaana wararka halkaas ka imaanaya sheegayaan in la isku maandhaafay cidda hogaamineysa howlgalka ka dhanka Alshabaab ee ku wajahan degmooyinka gobolka ee ururkaasi ka maamulaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa iney hogaanka u qabato howlgalka oo ay gacansiinayaan milateriga Itoobiya ee AMISOM qeybta ka ah, halka saraakiisha Ahllusuna doonayaan iney iyagu hogaamiyaan howlgalka maadaama sanado badan ay gobolkaas kula dagaallamayeen Alshabaab.

Weli waxaa socda wada-hadalka u dhaxeeya labada dhinac, mana jiro wax war ah oo kazoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Ahllusuna Waljamaaca.

Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa waxaa ku sugan ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo la sheegay iney Alshabaaab ka saarayaan degmooyinka ay maamulaan gobolka Galgaduud, hase ahaatee howlgalkaas ayaa dib u dhacay kadib markii la isku qabtay cidda hogaanka qabaneysa, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!