Wafdi wasiirro ah oo gaaray Baydhabo si loo mideeyo shirarka iska soo horjeeda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi wasiirro ah oo gaaray Baydhabo si loo mideeyo shirarka iska soo horjeeda

Baydhabo – Mareeg.com: Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya, uuna hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Aadan Sarasoor ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Qorshaha wasiirradan u tageen gobolka Baay ayaa ah sidii maamul loo mideysan yahay loogu sameyn lahaa Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban 10-wasiir ayaa isugu jira, wasiiro, wasiir kuxigeen, iyo wasiiru dowlayaal ayaa isla manta bilaabay kulamo ay la qaadanayaan ergooyinka shirarka iska soo horjeeda uga socda magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa waxey kulan la qaateen ergooyinka shirka uga socda Xarunta ADC ee fadhiya maamul u sameynta 6-da Gobol, kaasoo aysan dowladdu taageersaneyn.

Sidoo kale, wafdigan ayaa waxay Hotelka Bakiin kula kulmeen ergooyinka ka badan afar boqol, si ay uga dhaadhiciyaan inay aqbalaan maamul u sameynta saddexda gobol, maadaama lix gobol la dhisi karin, maadaama dowladda saddex gobol ku dhawaaqday in maamulo u sameysan yihiin.

Wafdigan ayaa dedaal ugu jira sidii ay u mideeyn lahaayeen labada shir ee ka socda magaalada, iyadoo dowladdu dooneyso in la isugu tago shirka saddexda gobolk.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!