Wafdi wasiiro ah iyo safiirka Jabuuti oo gaaray Buulo Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi wasiiro ah iyo safiirka Jabuuti oo gaaray Buulo Barde

Mareeg.com: Wafdi ka socda xukuumadda soomaaliya oo uu hogaaminayo Kuxigeenka Ra’isulwasaaraha, ahna wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed ayaa maanta gaaray degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

Xubnaha wasiirada ah ayaa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibedda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle,wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Saciid Maxamed Jaamac Qoorsheel iyo xubno kale.

Sidoo kale, waxaa wafdiga la socda safiirka dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble, waxaana booqashada wafdigaas kusoo begantay xilli saaka ay halkaas gaareen gaadiid kolonyo ah oo sida mucaawino uu soo dhiibay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Raysul wasaare ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa u kuurgalaya xaaladda nolosha ee ka jirta degmada iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

Waxaa lagu wadaa in wafdigan ay kulamo la qaataan waxgaradka deegaanka iyo qeybaha bulshada xili uu safarkoodu kusoo beegnayo iyadoo ay ciidamada dowlada iyo AMISOM gobolka Hiiraan ka wadaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Dadka ku nool degmada Buulo Barde ayaa manta dhigay debadbax ay kusoo dhaweynayaan gargaarka la gaarsiiyey iyo wasiirada dowlada ee halkaas gaaray.

Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dedaal ugu jira sidii ay go’doonka uga qaadi lahaayen degmada Buulo Barde, waxeyna la wareegeen degmada Jalalaqsi.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!