Wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray Kismaayo

Read Time:1 Minute, 25 Second

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada.

Wafdigu wuxuu ku sugan yahay madaxtooyada maamulka ee magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu soo warramayaa in ujeedka socdaalka wafdiga uu yahay inay goob joog ka noqdaan xaflad lagu soo gabagabeynayo soo xulista baarlamaan cusub oo uu yeelanayo maamulkaas.

Wafdiga ayaa booqday xarunta Caymiska oo uu ka socdo shirweeynaha la doonayo in lagu dhiso baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo weliba qaar kamid ah salaadiinta.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga oo khudbad kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka qeybgalo shirka lagu soo dhisayo baarlamanka Jubbaland, isagoo ku amaanay madaxda maamulka Jubbaland dhinacyada nabadgelyada iyo dib u dhiska degmada Kismaayo.

Wafdiga ayaa intaa kadib dib ugu laabtay xarunta madaxtooyada, waxaana qado kadib si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane C/raxmaan Max’ed Odowaa.
Odawaa1
Madaxdan ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-shabaab, dhinacyada horumarka iyo weliba sidii loo dhamestiri lahaa maamulka Jubaland.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubbaland ay kula dardaarmeen in la qanciyo beelaha dega deegaanadan Jubooyinka isagoo xusay in sidoo kale ay ku booriyeen in ahmiyad gaar ah la siiyo haweenka.

Booqashadan ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya uu ku yimaado magaalada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %