Wafdi uu horkacayo safiirka Britain u qaabilsan Somalia oo booqday Kismaayo
Kismaayo – Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya, Neil Wigan ayaa booqasho ku tegaymagaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee ay gacanta ku hayaan maamulka Juba iyo ciidamada AMISOM.
Wafdig ka socday dalka Britain ayaa waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo qaar ka tirsan odyaasha dhaqanka ee gobolka Jubada Hoose ku dhaqan, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta mashaariic horumarineed oo ay dowladda Britain ka waddo Kismaayo.
Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso maamulkiisa sida; dayactirka garoonka kubbadda cagta Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa ka codsaday dowladda Britain in ay gacan ka siiso maamulkiisa tayaynta iyo tababarka ciidanka iyo dib-u-dhiska waddooyinka iyo xarumaha dowladda ee magaalada Kismaayo.
Ma’suul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Britain oo lagu magacaabo Simon Fraser oo kulanka kaddib warbaahinta la hadalay ayaa sheegay inay dowladdiisa sii wadayso taageerada ay siiso maamulka KMG ah ee Jubba.
Simon Fraser ayaa sheegay iney maamulka kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyada bulshada magaalada Kismaayo.
Mareeg Media
Comments are closed.