Wafdi Uu Horkacayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo U Ambabxay Kenya

Read Time:57 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo kusoo jeeda Kenya.

Sidoo kale, waxaa isla manta garoonka Muqdisho ka ambabaxay xubno ka tirsan madaxda garsoorka, kuwaasoo kusii jeeda dalka Jabuuti oo ay ugu qeybgelayaan tababar, waxaana xubnahaas ka mid ah gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur iyo gudoomiyaha maxkamadda racfaanka Xasan Wariiri.

Guddoomiye Ilko-xanaf iyo wafdigiisa ayaa isaga iyo xubnaha la socda ay dalka Kenya uga kulamo looga hadlayo sharci ku saabsan la dagaallanka burcad-badeedda iyo horumarinta garsoorka dalalka ku yaalla Bariga Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay.

Wuxuu sheegay Ilko-xanaf iney magaalada Nairobi oo uu uga qeyb-galayaan kulan ay ka qeyb-galayaan garsoorayaal ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Yemen.

Ilko-xanaf ayaa sidoo kale sheegay in garsoorayaasha aadaya Jabuuti ay ka qeygelayaan tababar la xiriira horumarrinta garsoorka Soomaaliya.

Garsoorka Soomaaliya oo weli ah mid mugdi badan ka jiro, islamarkaana laga sheeganyo eedo farabadan ayuu Ceydiid Ilko-xanaf sheegay iney dadaadl ugu jiraan sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %