Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga oo gaaray Baladweyne
Baladweyne ( Mareeg)-Wafdi ay ka mid ah yihiin Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiintaan ayaa u jeedka ay u tageen Baladweyne la sheegay in ay tahay sidii ay xal u kala dhex dhigi lahaayeen maleeshiyaadka maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay Magaalada Baladweyne.
Xaaladda Magaalada Baladweyne ayaa degan iyadoo ay weli is hor fadiyaan dhinacyada ku diriray Magaaladaasi ee Maleeshiyada ku wada sugan Galbeedka Maagaladaasi.
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay dagaal maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Comments are closed.