Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Goordhow U Ambabaxay Magaalada Baydhabo

Read Time:42 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde iyagoona ku wajahan Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa shalay halkaasi gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana lagu wadaa in uu ka qayb uga noqdo xubnaha maanta soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si wayn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa hadda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ka socoto qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socda waxaana Garoonka ku sugan xubno ka tirsan Ururada rayidka Maamulka Koonfur Galbeed oo loo diyaariyay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %