Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Kismaayo + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Kismaayo + Sawirro

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu la socday Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ugu hortagay oo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ugu horeyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Xildhibaano, Odayaal iyo Bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG u ah maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusii qul qulaya Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira ,iyagoona halkaasi uga qeyb galaya Shir looga hadlaayo siyaasada maamulka Goboleedyada dalka oo lagu wado inuu maalinta beri ah uu ka furmo Magaalada Kismaayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!