Wafdi Uu Hogaaminaayo Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira.

Wafdiga uu hogaaminaayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa waxaa ka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidan.

Ujeedka maanta uu Magaalada Jowhar u gaaray Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa waxa ay tahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Guddiga Doorashooyinka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa ay kawada hadli doonaan Doorashada ka socoto Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle oo maalmahan hakad la giliyay.

Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ka socoto Doorashooyinka Aqalka Hoose oo muran xoogan uu ka taagan yahay.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia