Wafdi sare oo ka socda Kenya oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi sare oo ka socda Kenya oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta oo Axad ah waxaa la filayaa inay soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya, xili Soomaaliya ay xiriirka u jartay Dowladdaas bishii December 2020.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga Kenya ee Muqdisho uu yahay sidii loo bilaabi lahaa wada-hadalada lagu doonayo in mar kale dib loogu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wada-hadalka u bilaabanayo labada dhinac ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, iyagoona Guddi xaqiiq raadin ah u xil-saaray xaaladaha ka jira xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa wada kulan siiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Farmaajo iyo Uhuru laga dalbaday inay dib u soo celiyaan xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.