Wafdi sare oo ka socda Jaamacada Carabta oo booqday Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi sare oo ka socda Jaamacada Carabta oo booqday Muqdisho

Mareeg.com: Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeen, ahna wasiirka Arrimaha debadda Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-axmed ayaa maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Kuwait ayaa sanadkaan heysa hogaanka wareega ah ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Waxaa sidoo kale ka mid ah xubnaha wafdiga Jaamacadda Carabta, Xoghayaha Guud ee ururukaas Dr. Nabiil Alcarabi iyo Wasiirka arrimaha debadda iyo Ikaashiga Muritaaniya, Axmed Walad Takti, iyadoo dalkaas haatan gudoomiyaha Golaha Jamaacada Carabta.

Wafdiga ka socda Carabta ayaa la geeyey xerada ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana halkaas kulan ku kala leh madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada C/wali Sheikh Axmed Maxamed.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka ah Ee Somalia Ridwaan Xersi Maxamed iyo Mas,uuliyiin kale. Dhamaan Safiirada Wadamada Carabta ka jooga dalka Somalia ayaa goobta ku sugan.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Sugaal ayaa soo sheegaya in Hadda Wafdigaasi uu kulan la leeyahay Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyooo ay ka wada hadlay Arimo Dhowr ah.

Waxaa horay Muqdisho ugu sugnaa wafdi horudahc ah oo ka socday Jaamacadda Carabta, kuwaasoo u gogol xaarayey wadfiga maanta yimid.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!