Wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka oo Goordhow gaaray Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka oo Goordhow gaaray Gedo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.

Intaasi kadib Wafdiga ayaa u gudbay dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo, iyaga oo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay la kulmi doonaan, iyaga oo sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmadaasi Beled-Xaawo.

Socdaalka wafdiga k socday dowladda Federaalka Soomaaliya ku tageen Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo degmada Balad-xaawo ee Gobolkaas u dagaal khasaaro kala duwan geystay ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Cismaan Abuukar Duube ayaa sheegay in jabhad ay soo hubeysay dowladda Kenya ay weerar kusoo qaaden degmada Balad-xaawo, hayeeshee Ciidanka Xoogga dalka ay iska difaaceen, lana gaarsiiyay jab xoogan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More