Wafdi Kasocday wasaarada maaliyada Oo Lakulmay Madaxweyne Shariif Xasan

Read Time:34 Second

Baydhabo (mareeg News ) Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta waxaa gaaray wafdi balaaran oo ka socda Wasaarada Maaliyadda xukumadda fedraalka Soomaaliya.

Wafdigaas ayaa si heer sara ah waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo waxaana ku soo dhaweeyay mas`uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Xubnahaan ka socday Wasaarada Maaliyadda waxaa hor ka kacayay Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo xubno kale.

Waxay xubnahaan dhagax dhigeyn waddo laami ah oo dhax marta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana sidoo kale ay la kulmeen Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay kawada hadleyn arimo kala duwan oo ku dhanka dhaqaalaha iyo maaliyadda.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %