Wafdi ka soda xukuumada Soomaaliya iyo IGAD oo la filayo iney tagaan Kismaayo

Mareeg.com: Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururu goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa iney manta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka JUbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir.

Ergaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii sanadkii 2013 ay gaareen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245