Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray Kismaayo

Mareeg.com: Wafdi ka socdo dowladda Turkiga ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdiga.

Hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Cabduqaadir Lugadheere oo wafdiga ka soo raacay dalka Turkiga ayaa sheegay in uu wafdiga isla maanta magaalada Kismaayo kula kulmay hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Lugadheere ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dhinac ay ka wadahadleen sidii dowladda Turkiga ay deegaaannada Jubbooyinka u gaarsiin laheyd deeqo waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo Soomaaliya.

Madaxa Mashaariicda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Hay’adda Turkiga (TIKA) ee Soomaaliya, Axmed Gokcek ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada wafdiga ee Kismaayo.

Axmed Gokcek ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed, si loo sii xoojiyo xiriirka walaalnimo ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!