Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray degmada Cadale

Mareeg.com: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay muddo afar sano kadib gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay maamulka degmada Cadale iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Federalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la socda wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in wafdigan ay la kulmi doonaan qeybaha kala gedisan ee bulshada degmad Cadale isla markaana kala hadli doonaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka iyo weliba sidii loo la ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ka jirta degmada Cadale.

Degmada Cadale ee gobolka Shabelaha dhexe ayaa dhawaan waxaa booqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245