Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo tegay Kismaayo

Kismaayo – Mareeg.com: Wafdi ka socdo Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Isku duwaha arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay kulamo la leh mas’uuliyiinta maamulka Jubba, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira gargaarka iyo adkeynta xiriirka ay hay’adaha Samafalka la leeyihiin maamulka KMG ah ee Jubba.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhowaan walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee qoysaska barakayaasha ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargarka ayaa loogu baaqay in ay gurmad rasmi ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada Jubboyinka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245