Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Booqday Jowhar

Read Time:43 Second

Jowhar, Mareeg.com: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray garoonka magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin dad ku barakacay fataahadda webiga Shabeelle iyo colaad beeleed.

Wafdigaan waxaa hogaaaminaya Philippe Lazzarin oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay, waxeyna u kuur gelayaan, islamarkaana qiimeynayaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay degmada Jowhar.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ay amniga iska kaashanayaan.

Wafdiga ayaa indhahooda ku arkay dadka colaadu barakicisay, iyagoo sidoo kalana arkay dhulka ballaaran ee ay xirtay fatahaadda webiga Shabeelle, waxeyna raaceen doonyaha dadka deegaanku uga gudbaan dhulka webigu xiray.

Agagaarka garoonka Jowhar ayaa waxaa ciidamada AMISOM ka sameeyeen xero ay si KMG ah ugu sugan yihiin dad ku barakacay colaad beeleed ka dhacday Shabeellaha Dhexe.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %