Wafdi Ka Socda Q.M Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Ka Socda Q.M Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi uu gaaray wafdi ka socda Q.M.

Wafdi uu hogaaminaayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating ayaa gaaray Magaalada Cadaado waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Cadaado waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed Galmudug isagoo kala hadli doona halka ay marayaan doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka imaanaya deeganada Maamulkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!