Wafdi Ka Socda Mareykanka Iyo Denmarka Oo Muqdisho Kula Kulmay Saacid Iyo Fowziyo

Read Time:1 Minute, 26 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Ra’iisal Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta si wadajir ah ula kulmay wafdi ka socday dowladaha Denmark iyo Mareykanka, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.

Wafdigaan reer galbeedka ah ayaa ka socday safaaradda dowlada Mareykanku leedahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyo Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Denmark, waxeyna Soomaaliya u yimaadeen sidii loo sii xojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka Mareykanka iyo Denmark.

Xoghayaha guud ee siyaasadda iyo amniga ee Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Denmark Michael Starbaek Christensen ayaa saxaafadda uga warbixiyaay waxyaabihii uga soo baxay kulankii ay maanta la qaateen Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka.

“Waa markii iigu horeysay ee aan Muqdisho soo booqdo, runtii kulanka aan madaxda la qaadanay, waxaan uga wada hadalnay dadaalada lagu dhaqan geliyo hiigsiga cusub ee Soomaaliya, Dowladda Denmark arrintaasi gacan weyn ayay ka geysanaysaa, R/wasaaruhuna waxa uu noo sharxay qorshayaasha u degsan, anaguna waan dareemi kartaa xaaladaha lagu jiro, laakiin way naga go’antahay in ay sii xoojinayo taageerada aan siineyno dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Michael Starbaek Christensen.

Ra’iisal wasaare kuxigeen ahna Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixisay waxyaabihii kulankan maanta kasoo baxay.

“Shirkan waxa uu ahaa shir aan la galnay Xubno ka socda Safaaradda Maraykanku ay ku leedahay Kenya, sidoo kale waxaan la kulanay oo aan qaabilnay mas’uul sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibedda ee Denmark, runtii guulo ayay ku dhamaadeen shirarkaasi” ayay tiri Fowziyo hadalkeeda ku dartay.

Wufuudda ka socota beesha caalaamka ay si joogto ah u yimaadda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %