Wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo booqday degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo booqday degmada Afgooye

Mareeg.com: Wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee ka tirsan gobolka Shabeellah Hoose.

Wafdigaan ayaa booqasho ku tagay xarumaha ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliiska iyo sidoo kale goobaha waxbarasho ee degmadaasi.

Wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu kormeer ku sameynayey mashaariic dalkaasi ka hirgeliyey degmada Afgooye, waxaana wafdigaas hogaaminay Ciid Cabdalla oo ah madaxada mashaariicda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in xubnahaan ay ka socdeen shirkad mashaariic horay uga fulisay degmada Afgooye.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdigaan iyo sidoo kale mashaariicda degmadaasi ay ka sameeyeen sida dib u habeenta xarunta degmada iyo Saldhiga Booliiska.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.