Wafdi ka socda Golaha Xuquuqda Aadanaha Afrika oo gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Golaha Xuquuqda Aadanaha Afrika oo gaaray Muqdisho

Mareeg.com: Xubno ka tirsan golaha Xuquuqul insaanka ee Midowga Afrika ee fadhigiisu uu yahay magaaladda Banjul ee Dalka Gambia ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdi waxaa hoggaaminaysay Reine Alapini Gansou oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha Afrika, guddoomiyaha guddigan horay u soo noqotay.

Mss Alapin Gonsou ayaa sheegtay in mudada ay ku suganyihiin magaaladda Muqdisho ay kulamo la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah ee ku ka howlgala dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee jooga gudaha Soomaaliya.

Xasan Shire Sheekh oo ah gudoomiyaha difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Bariga Afrika ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho ay maalinta beri ah ay uga qeyb geli doonaan shir ay kasoo qeyb geli doonaan qaar ka dadka xuquuqdooda la difaaco isla markaana ay kasoo qeyb gali doonaan qaar ka mid ah ururada u dooda xuquuqda aadanaha kaasoo looga hadli doono arimaha xuquuqul insaanka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!