Wafdi ka socda Golaha Shacabka oo ku wajahan Garoowe

Read Time:39 Second

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay gaareen wafdi ka socda Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xubno ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Xubnaha Maanya tagaya Garoowe ayaa waxaa ka mid noqon doona Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka JFS mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo maanta soo gaaray Magalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa in Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal  uga qeyb galaan shirka shannaad ee afhayeennada baarlamanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo Bari ka furmi doona Garowe.

Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa 11-ka Bishaan,waxaana shalay Garoowe gaaray Masuuliyiin farsamo oo ka socda dowlad-goboleedyada iyo golaha shacabka isla markaasna uu horkacayo xoghayaha joogtada ah ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.