Wafdi ka socda Golaha Amaanka Afrika oo madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Golaha Amaanka Afrika oo madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Muqdisho

Mareeg.com: Wafdi ka socda Golaha Amaanka Afrika ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna la kulmay madaxweynahaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigaani ka socday Midawga Afrika ee uu hogaaminayay Madaxa Golaha Amniga Midawga Afrika, Ismaaciil Sharji ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Siihayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Abaan duulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Dalka Ethiopia Axmed Cabdisalaan Xaaji Wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo uu Wafdigani kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.

Kulanka Wafdiga iyo Madaxweynaha markii uu soo idlaaday ayaa waxaa Warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii laga wada hadlay Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Siihayaha Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Ismaaciil Sharji oo ah Madaxa Golaha amniga Midawga Afrika oo wafdigaan Hogaaminayay.

Ismaaciil Sharji ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya yimaado isla markaana aysan Noqon doonin markii ugu dambeysay Madaxweynahana ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Xaaladda ammaanka Soomaaliya oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!