Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta gaaray Qatar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Maanta gaaray Qatar

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku soo Dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane/Xasan Xuseen Xaaji oo muddo kooban ku sugnaa garoonka Hamnad International Airport  ee magaalada Dooxa.

Safiir Taano oo uu Wehliyo uqeybsanaha arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa wasiirka Gaashaandhigga JFS kula qaatay waqti garoonka diyaaradaha  ayada oo wasiirku Xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal Xoogan galisay dib-u-dhiska Ciidanka.

Dalal kala duwan oo ay dowladda Qatar ay ka mid tahayna kaga mahadcelinayaan Mashaariicda horumarineed iyo midda amni ee Soomaaliya ay ka fulinayaan,

Safiirka Soomaaliya Danjire Cabdirsaaq Taano dhiciisa uga war bixiyey Wasiirka Xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar iyo soodhawaynta wanaagsan ee ay helaan  walaalahooda Qatar, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.