Wafdi ka socda Dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud si ay ula kulmaan Madaxda Maamulka Galmudug.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Maamulka Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa qeyb ka noqon doona Wafdiga ku wajahan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tagaya Dhuusamareeb.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ujeedkiisa Dhuusamareeb waxa uu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo khilaaf xilligaan uu ka dhaxeeyo.

Wafdiga ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweyne Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadli doona xalinta mad madowga ka dhex jira dowladda iyo Maamulka Galmudug.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyada oo ammaanka Maanta siweyn loo adkeeyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!