Wafdi ka socda dowladaha Somalia Itoobiya iyo Eretrea oo ku wajahan dalka Jabuuti
Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti waxaa ku wajahan wafdi ballaaran oo kala socda dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo Eretrea.
Waxaa qeyb ka ah Wafdigan Wasiirrada arrimaha dibedda ee dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea,kuwaasi oo dhawaan la filaayo in kulan Saddex Geesood ah ay ku yeeshaan dalka Jabuuti .
kulanka Saddex Geesoodka ah ee ka dhici doono Jabuuti ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla Jabuuti iyo Eretrea.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa kulankooda waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho.
Comments are closed.