Wafdi Ka Socda Dowlada Qadar Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Ka Socda Dowlada Qadar Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda dowlada Qadar ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana Wafdigu ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo ay waday diyaarad yar oo laga leeyahay Wadanka Turkiga.

Wafdigan ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonan xiisada Bariga Dhexe,iyaga oo la filayo iney dowlada Farmaajo uga mahadceliyan go’aankii ay ka qaadatay xaalada ka taagan gacanka Khaliijka Turkiga ayaa qeyb ka ah wada hadalkan u dhaxeeysa Soomaaliya iyo dowlada Qadar.

Soomaaliya ayaa maalintii Arbacadii shaacisay iney ka walwalsan tahay xiisada Bariga Dhexe ee u dhaxeysa Sacuudiga iyo xulafadiisa iyo dowlada Qadar waxay Soomaaliya ku baaqday in xaalada la dajiyo lana xaliyo xiisadan cusub.

Dowlada Sacuudiga Imaaradka Carabta Baxrey Masar iyo dalal kale oo ay Yaman ku jirto ayaa xiriirka u jaray dalka Qadar kadib markii ay u soo jeediyen eedeyn ah iney dowlada Qadar maalgeliso kooxaha argagixisada.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!