Wafdi ka socda dowlada oo Galgaduud u tegay qalabeynta ciidan la tababaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda dowlada oo Galgaduud u tegay qalabeynta ciidan la tababaray

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mahad Salaad iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaalada Dhuusamreeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Masuuliyiintaan ayaa halkaas u tegay shaqo gelinta iyo hubeynta ciidamo loo tababaray dowladda Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb.

SIdoo kale, wafdigaan ayaa Galgaduud u tegay dardar galinta maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka.

Janaaral Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale iyo guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye “Cirfo” iyo masuuliyiin kale ayaa meel fagaaro ah kula hadlay dadka Dhuusamreeb ku nool, ayagoo sheegay in dowladdu ay dadka degaanka u qabanayso adeegyo u ugu horreeyo ammaanku, ayagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada.

Ciidamo ku sugan agagaarka Dhuusamareeb ayaa la siin doonaa saanad ciidan, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada Soomaaliya si ay uga qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Alhabaab.

Ciidamada ku sugan Dhuusamareeb ayaa la sheegay ineysan ka qeybgelin howlgalkii loogu magaca daray Badweynta Hindiya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More