Wafdi ka socda dalka sudan oo soo gaaray Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda dalka sudan oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugida Sudan (NISS) Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh ayaa maanta waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,iyadoona si weyn loo soo dhaweeyay.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ugu hortagay wafdiga oo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Federalaka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.

Wafdigan uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee sirdoonka iyo nabadsugida Sudan (NISS) Gen. Salah Abdalla Mohamed  Saleh ayaa magaalada muqdidho ku yimid booqasho rasmi ah,waxaana la socdo wafdiga sida aan wararka ku heleyno madax ka socota dalka Qatar.

Sidoo kale waxaa lagu wadaan in wafdigan ka socda dalka sudan ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Madaxda ugu sareeysa Hay’adda NISA ee Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!