Wafdi ka socda Dal Afrikaan ah oo Maanta tegay Magaalada Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda Dal Afrikaan ah oo Maanta tegay Magaalada Hargeysa

Wafdi ka socday dowladda Zambia oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda  Cadaaladda dalkaas Gavin Lubinda ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Wafdiga Wasiir  Gavin Lubinda oo uu kamid ahaa La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

Intaas kadib ayaa waxaa wafdiga loo gabiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada, iyagoona kulan gaar ah oo looga hadlayo Arrimo kala duwan la leh Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir  Gavin Lubinda iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia ayaa kulamo kale la qaadan sida uu qorshahu yahay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.