Wafdi Ka Socda China Oo Muqdisho Ujooga Qiimeynta Mashaariic Dib U Dhis

Muqdisho, Mareeg.com: Wafdi ka socda dowladda China ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu qiimeyn ugu sameeyo xarumaha dayactirka iyo dib-u-dhiska u baahan ee dalka.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay sii-hayaha Safaaradda China ee dalka Soomaaliya Wei Hongtian, waxena dalka joogayaan muddo 4 maalmood ah.

Wafdiga ayaa dhismaha wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya kula kulmay sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden.

Mas’uuliyiinta labada dal ee Soomaaliya iyo China ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo dib-u-furidda safaaraddii China ee Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa saxaafadda u sheegtay inay wafdiga isla soo qaadeen fulinta ballan-qaadyadii dowladda China ee la xiriiray dayactirka isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka Qaranka iyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo ay horay u dhistay.

Sii-hayaha Safaaradda China ee dalka Soomaaliya oo isna la hadlay warbaahinta, isagoo ku hadlayey Afka Soomaaliga ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal uu yahay mid wanaagsan oo qoto dheer.

Wei Hongtian ayaa sheegay in dalka China uu gacan siinayo dalka Soomaaliya, hase ahaatee loo baahan yahay in la sugu amaanka.

Wei Hongtian ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire, waxayna isla soo qaadeen suurtagalnimada dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka.

Booqashada Wafdigani ka socda dowladda China ay ku kala bixiyeen Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Arrimaha gudaha, Warfaafinta, Tiyaatarka iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee China Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “Yuusuf Dheeg”.

Mareeg.com