Wafdi Ka Socda Baarlamanka Kenya Oo Booqasho Ku Tegay Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Ka Socda Baarlamanka Kenya Oo Booqasho Ku Tegay Somaliland

Hargeysa, November 7, 2013: Wafdi xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka iyo dowladda Kenya ayaa shalay gaaray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wefdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa kusoo dhaweeyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu horkacayay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka hadlay sababta booqashada wafdigaaan Kenyaanka ah ayaa sheegay in socdaalkoodu la xiriiro sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in booqashada wafdigaan ay qaadan doonto muddo sadex maalmood ah isla markaana ay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, kulamana la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Goleyaasha.

“Weftigan wuxuu iskugu jiraa afar xubnood oo baarlaanka Kenya, shan xubnood oo ka socda dawlada Kenya oo uu u jiro la taliyaha madaxweynaha Kenya, kuwaas oo wadanka joogi doonna saddex cisho”ayuu yiri xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle.

“Wuxuu booqan doonaan weftigan meelo badan oo taariikhi ah oo Somaliland ka tirsan, waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha, sidoo kale kulan la yeelan doona guddiyo iskugu jira Wakiilada iyo baarlamaanka” ayuu sidoo kale yiri Ayaanle.

Xildhibaan Ayaanle ayaa sheegay inay fursad u tahay Somaliland imaanshaha weftigan Kenya ka socda, isla markaan xidhiidh sokeeya la yeelan doonaan.

Haweenay ka mid ah wafdiga ka socda dowladda Kenya oo warbaahinta kula hadashay Hargeysa ayaa sheegtay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee Somaliland yimaadaan.

Haweeneydaan ayaa sheegtay inay wax badan la socdaan, isla markaana Somaliland ku bogaadiyey inay horumar ka gaadheen dimuqraadiyada iyo horumarka kale ee Somaliland gaadhay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.