Wafdi Jigjiga u aaday joojinta colaadda soohdinta Soomaaliya & Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi Jigjiga u aaday joojinta colaadda soohdinta Soomaaliya & Itoobiya

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo  wasiiru-dowlaha madaxtooyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wafdiga oo ka tagay magaalada Dhuusamarreeb waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay sidii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay uga wada hadli lahaayeen joojinta dagaallo ka dhacay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Galgaduud iyo Hiiraan.

Qaar ka tirsan odayaasha deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada dad reer miyi ah oo deggen tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo xuduud la leh Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey uga hadashay joojinta dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo u badnaa xoola dhaqato.

Ciidammada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin dagaalka, walow aysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku aaddan arrinkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!