Wafdi isugu jira wasiiro iyo wasiiru dowlayaal oo gaaray magaalada Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi isugu jira wasiiro iyo wasiiru dowlayaal oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha gudaha C/shiid Maxamed Xiddig ayna ka mid yihiin wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymow,wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamed Axmed Nuur iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdjgan oo ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa ujeedada safarkooda lagu sheegay in ay furan shir dib u heshiisiin ah oo beelaha dega gobolka ugaga furmaya magaalada Jowhar.

Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen iyo ku xigeenada guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka magaalada lagu arkayo ciidamo faro badan oo sugaya amniga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!