Mareeg Media
Somalia

Wafdi Caalami ah oo gaaray Garoowe & Madax qaabishay+Sawiro

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

“Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!