Wafdi ballaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baladweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ballaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baladweyne

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa mudooyinka u dambeeyay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaasi kulamo uu kula qaato odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwana ee bulshada reer Hiiraan islamarkaana uu kala hadlayo arrimo kale duwan la xiriira xoojinta dowladnimada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!