Mareeg Media
Somalia

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho gaar ahaan qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama, iyada oo loo diidayo inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wadada ayaa waxaa ay ka xiran tahay laga soo bilaabo Ex-Afgooye ilaa Isgoyska Taleex ee degmada Hodan,waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo wata Gaadiidaka dagaalka.

Gaadiidka ayaa loo diidayaa inay wadadaasi isticmaalaan, waxaana la arkayey dadweynaha oo lugeynaya,waxaana arrintaan ay daba socotaa xilli inta badan Wadooyinka Jidcadayaasha mara ee Magalada Muqdisho oo dhagxaan waaweyn lagu jaray.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!