
Read Time:27 Second
Waxaa Maanta xiran Wadooyinka waa Weyn ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,iyadoo ay xireyn Ciidamada ammaanka dowlada,waxaana lagu arkayaa Wadooyinkaas xiran Ciidamo badan oo isugu jira nabadsugid iyo Booliis.
Wadooyinka ay xireyn Ciidamada dowlada ayaa waxaa kamid ah isgoyska Banaadir,Iskoyska tarabuunka oo aan loo soo gudbi karin dhinaca wadada taleex,Iskoyska howl-wadaag iyo Wadooyin kale oo muhiim u ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ay Ciidamada Ammaank Maanta u xireyn Wadooyinka qaar ee Muqdisho,iyadoo Wadooyinka lagu arkaayo shacab lugeynaya.

About Post Author
A warsame
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245