Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Read Time:35 Second

Dadka kunool Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda oo xiran, iyadoo Isgoysyada la dhigay Ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Sida wararku sheegayaan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada ayaa ciidamada u diidayaan gaadiidka, iyadoo meelaha qaar laga celinayo, waxaana loo ogol yahay oo kaliya gaadiidka ay la socdaan Ciidanka.

Inkastoo maalin shaqo oo sabti ay tahay, haddana waxaa la ogeyn in sababaha maanta loo xiray waddooyinka, waxaa la hadal hayay shirka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada in loo xiray waddooyinka.

Shalay ayay aheyd markii inta badan waddooyinka magaalada la xiray, sababo la xiriira aaska meydka Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, balse gelinkii dambe dib loo furay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.