Waddooyinka Muqdisho oo xiran * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Waddooyinka Muqdisho oo xiran

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isgoysyadda Taleex, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho, waana sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!