Waddooyinka Muqdisho oo xiran maalintii labaad

Waxaa Maalintii labaad xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Magalada Muqdisho,waxaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya noocyadooda kala duwan oo wadooyinkaas taagan ay u diidayaam inay isticmaalaan Gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan.

Wadooyinka Maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah laga soo bilaabo Isgoyska Banaadir ilaa Isgoyska Sayidka ee Wadada Maka Almukarama ee Magaalada muqdisho,waxaan sidoo kale xiran wadada Isgoyska Afarta Darjiino ilaa Xamarweyne.

Waxaa jira wadooyin kale oo muhiim ah oo si caadi ah ay dadka u isticmaalayaan, sida qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo laga soo bilaabo Suuqa Beerta ilaa Xamarweyne oo Gaadiidka dadweynaha ay si caadi ah uga Shaqeynayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa wadooyinka waaweyn ee Magalada Muqdisho Maalintii labaad ku sugan,waxaana sababaha lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Maanta hortagayo kulan ay leeyihiin Xildhibaanada labada iyo in uu xariga ka jari doono safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxeynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isla Maanta waxaa la filayaa in uu u ambabaxo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal oo ka mid ah Ciidamada AMISOM.