Wadatashiga xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali “Dhuxuloow”, ayaa Muqdisho shalay galab ka furay shirka wadatashiga xeerka Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta.

Shirka ayaa soconaya muddo 2 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socday qaar ka mid ah Hey’addaha warbaahinta, qaar ka mid ah Ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta iyo guddiga madaxa banaan ee ku howlan diyaarinta xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali “Dhuxuloow” oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay xiligii uu soo bilowday xeerkan saxaafadda iyo marxaladihii kala gadisanaa oo uu soo maray, isagoo sheegay in guddigan ay qodob qodob uga doodeen xeerkan isla-markaana ay ka reebeen waxyaabihii ay u arkeen in aysan dan ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna ku soo dareen qodobo ay u arkeen inay yihiin kuwo wanaagsan, iyagoo ugu baaqay wariyaasha ka qeyb galayay kulanka in ay tallooyin ku darsadaan xeerkan Saxaafadda si uu u noqda mid iyaga difaaca Mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo Shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Somaaliyeed inay taageeraan Xeerka Saxaafadda, waxaana uu sheegay in xeerkaan waxbadan oo xuquuq ah siinayo saxafiyiinta, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay xeerkaana ay tahay in la helo qaab bulshadu ugu wada adeegto horumarka dalka.

“Waxaan balan qaadayaa in markasta ay ku dadaaleyso xukuumaddu xorriyadda warbaahinta iyo difaaca xorriyatul qowlka, waxaana cadaynayaa in xukuumaddu wax cadaadis ah ku saarayn saxaafada in ay aqbalaan xeerkaan, xukuumadu waxay soo dhaweynaysaa wixii talo iyo tusaale ah oo lagu kordhiyo sharcigan saxaafada, si loo helo sharci dammaanad qaadi kara xaquuqda wariyaha iyo dhammaamba howlwadeenada warbaahinta xorta ah, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal, loona baahanyahay warbaahintu inay gacan ka geysato sidii loog adkaan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya wariyeyaasha iyo bulshadda qaybaheed kala duwan.

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245